Walaalaheeyga Muslimiinta ahoow, haddii aan isku dayno inaan wax ka sheegno Sifaatka Sowjadda Saalixada ah, ma aha wax Fudud, isla markaana waxaan Dareemi karnaa inuu yahay Xil adag oo Dumarka ilaaheey ku Waajib yeelay, Haddaba Sowjadda Saalixada ah haddaan Sifaatkeeda wax ka sheegno, waa sidan aad hoos ku arki dontaan:-

1) Waxaa lagu yaqaan inay tahay qof had iyo jeer Adeecda Ilaaheed oo hadana Saalixad ah.
2) Waxaa laguyaqaan inay tahay tii Tafidda Maalka Ninkeeda iyo Jirkeedaba marka uu maqan yahay.
3) Waa Midda uu Farxo Ninkeedu haddii uu Fiiriyo, haddii uu Amrana waa tii Addeecda.
4) Waa tii laasinta gurigeeda oo aan kabixin, amarka ninkeeda la’aantiis.
5) Waa midda had iyo jeer ku Salaanta Ninkeeda waji Faraxsan iyo Dhoola Caddeyn.
6) Waatan had iyo jeer Alle uga Mahad-celisa Ninkeeda, maadaama uu yahay kii reerka ushaqaynayey, isla markaasna uu yahay caruurteeda kii dhalay.
7) Markey wax waydiisanayso Ninkeeda, waa tii Doorata Waqtiga Wanaagsan, kuna weydiisata si Deggen.
8) Waxay Astaan u leedahay Dabeecad badan.
9) Waatan aan Gurigeeda ka bixin iyadoo Dharkeedu Qariban yahay.
10 ) Ma aha mid Ninkeeda ku Qaylisa marka ay wada Hadlayaan.
11 ) Waxay kuwaanisaa ninkeeda inuu xiriiriyo Waalidkiis, Walaalihiis, Riximkiisa iyo Saaxiibadiis.
12 ) Waa midda Khayrka Falid badan, kuna Dadaasha Faafintiisa.
13 ) Waa tan Runta Dhar ka dhigata, kana Fogaata Beenta iyo Ehelkeeda.
14 ) Waa midda ku-barbaarisa carruurteeda jacaylka Ilaahay iyo rasuulkiisa,kuna saacidin caruurta wax uusan ninkeedu raali ka ahayn oo xumaan ah, sidoo kale tii barta ixtiraamka aabahood.
15 ) Waa mid aan caro badnayn, haddana aan aqoon laab- lakaca.
16 ) Waxay aad uga fogtahay Kibirka, is-cajabinta iyo isla weeynanka.
17 ) Waa tii had iyo jeer ka laabta indhaheeda aragga xumaanta, hadday gurigeeda xaajo darteed uga baxdo.
18 ) Waatan aan kujeesjeesin dariskeeda iyo dadka isla markaana aan xaqirin umadda.
19 ) Waa tan aan jeclayn dhaldhalaalka adduunka isla markaasna aan iloobin jannada ilaahay. 20 ) Waa midda had iyo jeer rabbigeed talo saarata, haddii wax ka xumaadaanna aan quusan.
21 ) Waa mid si dhammaystiran ugudata cibaadada Alle kufaral yeelay.
22 ) Waatan si buuxda u og in ninkeedu yahay Sayidka gurigiisa, isaguna uu yahay kan maamula.
23 ) Waa midda ka Xusta Rabbigeed (Carrabka iyo Qalbigaba), had iyo jeerna aan iloobin.
24 ) Waa midda aan had iyo jeer Sheeg-sheegin wixii ay Ilaahay dartiis u qabatay oo wanaag ah.
25 ) Waa tii qirata dambigeeda, haddii uu Khalad ka dhacana weydiisata Cafis Ninkeeda.
26 ) Waa tan aan soomin soon Sunne ah, ninkeeda oo raalli ka ah mooyee.
27 ) Waa midda aan isu ekaysiin ragga, xagga hadalka, socodka iyo dharxirashadaba.
28 ) Waa midda had iyo goor ogsoon weeynanka xaqa ninkeeda, kuna raalli galisana ninkeeda wixii aan macsi ahayn oodhan.
29 ) Waa midda aan Dhaleecayn Ninkeeda, isla markaasna aan ku Dhibin wax uusan Awoodi Karin.
30 ) Waa midda Qarisa Quruxdeeda iyo Jirkeeda, Ninkeeda mooye.
31 ) Waatan lagu yaqaan xishood badan iyo asturnaan.
32 ) Waa midda aan soo gelin gurigeeda Qof uusan Ninkeedu Raalli ka ahayn.
33 ) Ma-diiddo ninkeeda, haddii uu ugu yeero Gogosha.
34) Waatan ninkeedu uu layaabo quruxdeeda Muuqata xagga (Nadaafadda & Labiska) iyo tan Qarsoon xagga(Diinta & Taqwada).
35 ) Waxay kaloo caan kutahay, ma aha tii Fidisa Sirta Ninkeeda iyo Gurigeeda.
36 ) Waa midda aan ku kallifin Ninkeeda wax uusan awoodi Karin oo adduun ah.
37) Ma aha mid Hub ka dhigata, quruxdeeda, yaraanteeda ama maalkeeda.
38 ) Waa tii had iyo jeer ka shukri naqda wax walba oo ay hesho, haba ahaadeen wax yar .
39) Waa midda aan kadalbin furriin joogta ah ninkeeda, sabab la’aan.
40 ) Waxay Ninkeeda u muujisaa Kalgacal iyo jacayl dhan walba ah, waxayna si Xiiso leh u Dhagaysataa marka uu hadlayo.
41) Waa midda ku Taageerta Ninkeeda wixii Khayr ah oo uu Falayo, lana Garab tagaan Waanooyinka Wanaagsan iyo Dhiiri gelinta Suuban.

Wabillaahi Towfiiq.
(ALLOOW ISLAAMKA U GAR-GAAR, YAA RABBI).
Next
This is the most recent post.
Previous
Older Post

0 comments:

Post a Comment

Top Nav menu

Ads

 
Top