Adaanka Salaada Wuxuu Caalamka ka socdaa 24- Saac oo Dhan
Qabiir ku fogaaday Cilmiga xisaabaadka oo u dhashay dalka imaaraadka Carabta ayaa waxa uu soo handisay mas’alo xisaabeed taas oo la xiriirta xeeldheerida mucjisada rabaaniga ah ee aadaanka Salaada, qabiirkan ayaa waxa uu daraasadiisan ku sheegay In Aadaanka oo dadka Muslimiinta ah loogu yeero salaada uusan ka kala go,in calamka halmarna weli, “Markasta oo uu kadhaamaado Meel waxa uu ka bilaanayaa Meel kale” ayuu Sheegay Aqoonyahankaasi
Qabiirkan oo lagu magacabo Cabdi Xamiid Alfaadil ayaa waxa uu ku sharxay Musjisadan in caalamku uu ka koobanyahay 360 Dhig kuwaas oo waqtiga u xadida Caalamka oo idil, Dhig kasta waxa ay dhigta kale dheertahay 4 Daqiiqo (Horayn Ama Dambeyn)
Tusaale ahaan waa marka Aadaanka la bilaabo waqtigiisii Saxda ahaa uuna u adimo Qaab dhexdhexaad ah oo aan boobsiis iyo Daahid midna ahayn waxa uu Socon Karaa Qiyaastii 4 Daqiiqo, haddii aan Si Kale u Dhigo Tusaalaha Kolka Aadaanku uu Ka Bilaabmo Meel Dhacda dhigta 10 oo uu Aadaanku Ka socdo Qiyaastii 4 Daqiiqo , Haddii ay Dhamaato 4taasi Daqiiqo Waxa uu ka bilaabanayaa Dhigta 20 Kolka uu ka Dhamaadana waxa uu ka Bilaabanayaa Dhigta 3 Sidaas ayuu ku soconayaa ilaa uu ka gaaro Dhigta 360 aad dhigkastana uu ka socdo 4 daqiiqo taas oo isku noqonaysa 1440 Daqiiqo Maalinkii oo la mid aha 24-saacadood.
360X4= 1440 Daqiiqo
Haddii aan u Badalno 1440 Daqiiqo Saacado waxa ay Noqonaysaa
1440 / 60 = 24 Saac
waxaana uu macnaheedu noqonayaa in aadaanku uu kasocdo caalamka inta uu jiro oo dhan oo aanu istaagin marna.
By: Mustafa Yasin Sheekh (Karaama)mysheik@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | May 30, 2005
0 comments:
Post a Comment